DARYEELKA HOOYADA DHALMADA KA HOR
Daryeelka dhalmada ka
hor waxay lama huraan u tahay ilaalinta caafimaadka haweenka iyo carruurta
uurka ku jira
Waa maxay daryeelka hooyada dhalmada ka hor?
Hooyada uureyda ah waxaa fiican inay hesho daryeel caafimaad
si ay u dhashay ilmo bad qaba ayadana u noqoto qof caafimaad qaba.
Daryeelada gaar ah ee
la rabo inay hesho hoyadu waa :
- In la baaro ama la daaaweyo haday jiraan xanuuno ay qabto hooyadu sida:
ü
Dhiikar( hypertention).
ü
Dhiig yari ( anaemia) .
ü
Duumo ( malaria).
ü
Caabuqa ku dhaca gaadimareenka ( urinary tract
infection).
ü
HIV infection .
ü
Vitamins ka oo jirkeeda ku yar ( vitamins and
micronutrient deficiencies) .
ü Nafaqo daro ( malnutrition).
- 2- In baaritaan lagu sameeyo ama la daaweyo haday jiraan dhibaato ay kala kulantay xili hore ay ilmo so dhashay sida :
ü
Ilmo galeenka in qaliin lagu sameeyay.
ü
In qalab lagu dhaliyay taas oo sabab u ahayd
ilmihii hore oon toosnayn.
ü
In xuubka dilaaco waqti hore ayadoon la gaarin
waqtigii dhalmada.
ü
Ilmo mataana inay horey uso dhashay.
- 3- In markasta la baaro la ogaad si looga hortago inay ku yimaadan hooyada iyo ilmahaba xanuunadaan:
ü
Hooyada iyo ilmahaba inay ku dhacdo xanunka
tetanada.
ü
Dhiig yari.
ü
Hooyadu haday qabto HIV inay u gudbo cunuga.
ü
Duumada haday meshay joogto hooyado ku
badantahay xanunka duumada.
- 4- samaynta qorshaha dhalmada diyaarinta, latalinta dhalmada.
MEEQA JEER BAY HOOYADA UUREYDA U BAAHANTAHAY INAY SO BOOQATO
XARUNTA CAAFIMAADKA ?
Hooyada uureyda ah waxay u baahantahay inay so booqato
xarunta caafimaadka halkii uurba 3-4 jeer ugu yaraan.
Waxaan u kala qaybin doona ila saddex qaybood oo ah xiliga
ay ilmuhu maraan bilaha hore hadan ka bilowno.
1-
Saddexda bilood ee hore ( first trimester)
Waa xiliga ilmuhu caloosha galo ilaa intuu
ka gaarayo week ga 1-13 weeks waxaa looga baahanyahay hooyada xiligaa ku jirtay
inay xarunta caafimaadka ay booqato hal mar waana xiliga uu abuurmo ilmaha
jirkiisa oo dhan.
2-
Saddexda bilood ee dhaxe ( second trimester)
Waa xiliga dhexe ee ilmuhu nafta lagu
afuufo week ga 14 –26 weeks weeye waxaana loobaahanyahay inay hooyadu booqato
goobta caafimaadka hal mar.
3-
Saddexda bilood oo u danbeeya ( third trimester
)
Wa xiliga u danbeeya oo ay ku jirto hooyadu
ilmahuna uu dhamaystiranyahay waxuuna ka biloowda week ga 27—40/41 weeks
waxaana loo baahanyahay inay hooyadu booqato xarunta caafimaadka ilaa labo
jeer.
N/B
Xiliyadan aan so
sheegnay waa xiliyada loo baahanyahay inay booqato hooyada uurka leh xarumaha
caafimaadka hooyada oo aan qabin wax dhib ah ama aan horey ula so kulmin, haday tahay hooyo qabta xanuuno hore ama
dhibaatooyin kala so kulantay dhalmadii hore waa ay ka badantahay inta jeer ay
booqanayso xarunta caafimaadka hooyo noqo qof caafimaadkisa kor u qaada xiliga
aad ku jirto waqtiga taranka.
Gunaanad :
Hooya kasto oo
ku jirta xiliga dhalmada ama uur leh waxaan kula talinayaa inay sameesato
dhakhtar lataliye ah si ay xaaladeda ula socoto waana inay hooya kasta oo u
dhaxaysa dada 15-49 sano ay la socotaa dhiigeeda si ay uga digtoonayo dhiig
yari markastana ay iska cabirtaa dhiiga iyo sonkorta si ay oga hortagto haday
xaladahaaa ku yimaadan
HOOYO CAAFIMAAD
QABTA IYO ILMO CAAFIMAAD QABA
Insha allah
W/Q Dr.Samira
Ahmed Hussein gurey.
4 Comments
M.a cilmiga allah hakusiyadiyo 💉😍
ReplyDeleteShukran
DeleteHorey usoco wllshey🌹❤
ReplyDeleteShukran wll
Delete