WAA MAXAY DHALMA LA'AAN ?
waa xanuun ku dhaca xubnaha taranka kuwaas oo awoodi waaya shaqadoodii joogtada ahayd.
dhalma la'aantu waa xaaska oo ku guulaysan weyda inay qaado uur ayadoo jirto isku day mudo sanad ah. dhalmo laanta waxaan u kala saari karnaa labo qaybood oo kala ah:
1- kowaad oo ah xaaska oon wali uur yeelan iyo mid
2- labaad oo ah mar inay uur yeelatay kadibna aysan uur danbe qaadin
waxaa jiri kara xaalada qaar sida: shahwo laan , xanuunka ku dhaca minka , tuuboyinka oo xirma xaladaaha oo ku badan dumarka baa ka qayb qqata dhalma la'aanta.
MAXAA SABABA DHALMO LA'AANTA:
qiyaas ahaan hadii lo fiiri saddex meelood meel waxaa sababa raga , saddex meelod meelna waxaa sababa dumarka, saddexmeelod meelna wey wada sababaan .
MAXAA SABAB DHALMO LA AANTA RAG:
1- cadadka spermada oo yar.
2- dhaqdhaqaaqa spermada oo yar.
dhibaaatoyinka kale oo ku dhicikara ragga ayaa ah inay hoos u dhac ku yimaado sasaarka spermadasi ku meel gaar ah taas oo sababtay dhaawac so gaaray xininyaha sida markay kuleel ku yimaado ama uu ninku isticmaalo kiimikooyin ama daawooyin saamen kara manida , cabida khamriga ama sigaarka ayaa hoos u dhigi karta .
MAXAA SABABA DHALMA LA'AANTA DUMARKA:
1- cudurada ku dhaca xubnaha taranka
2- cabida sigaarka waxay hoos u dhigta taranka
3- dada ayaduna wey ka qayb qaadata
YAA KHATAR UGU JIRA
1- dada ( qofka ka weyn35- dumarka----40 raga
2- dadka sonkorta qaba
3- dadka cunta dhibta ku qaba ( cunta yari ama kuwa cuntada ku waalan)
4- dadka khamrada caba
5- dadka sigaarka caba
6- dadka kansarka laga daaweyay
7- dadka xanuunada lagu kala qaadp galmada qaba
8- stress dadka qaba
9- dadka buur buuran.
DUMARKA KHATARTA UGU JIRA
waxyaalaha u keeni kara dumarka dhalma la aanta waa:
1- dumarka khalkhalka caadada qaba
2- tuubiiyinka minka oo xirma
3- cudurada ku dhaca minka
4-cudurada ku dhaca wareega
5- hormoonada jirka oo xanuun ku yimaado
6- qanjirka dhuunta oo xanunsada.
7- xanuunada ku dhaca kilyaha
8- xanuunada ku dhaca ugxamaha minka.
RAGGA KHATARTA UGU JIRA:
waxyaalaha ragga u keeni kara dhalma la aanta waxaa ka mida:
1-xididada xiniyaha oo barara
2- kuleelka badan oo uu dareemo xiniyaha ama dhar adag oo la xidho ku keenokaro kuleel sare
3- dhaawac so gaaray xiniyaha
4- xiniyaha oon so dagin booskiisa imaan marku dhashay.
5- xanuunada ku dhaca xininyaha.
TALO:
Marka kowaad ubadka waxaa baxsha ALLAH adoomadiisana siiya qofkuu doono adoomadu wax ikhtiyaar ah kuma laha balse waxaa jira xanuunu hadu qofku iska daaweyo sababi kara inuu ALLAH awlaad siiyo marka waxaa haboon labada qof oo is qaba ayago is eedeen in si wada jir ah ay isku baaraan oo dhakhtar khuseeyo dhalma la'aanta u tagan talooyinkiisana raacan haday noqoto wax la daaween karo say isku daaweyan.
labada qof oo is qaba waxaa fiican hadii ay hal sano isqabaan inay is baaran ayagoo isla socda
qofkasta oo awlaad raadinaya ALLAH waxaan oga baryayaa awlaad baariya oo uu ku indha qabowsado inuu siiyi INSHA ALLAH .
W/Q Dr. samira ahmed hussein gurey.
2 Comments
MHD Drs👏
ReplyDeleteM.a wll
ReplyDelete