Latest Article

6/recent/ticker-posts

DHIIG BAXA KU YIMAADA HOOYADA UURKA LEH SADDEXDA BILOOD OO HORE

 MAXUU YAHAY DHIIG BAXA KU YIMAADA HOOYADA UURKA LEH XILIGA HORE?


waxaa jira dhiig bax ku yimaada hooyada uurka leh saddexda bilood oo hore kaas oo ay ku xirantahay maalmaha uu jiro uurku jirta waxuuna yimaada 24 asbuuc ee ugu horeysa 


MEEQA LO QAYBIYAA DHIIG BAXA KU YIMAADA SADDEXDA BILOOD OO HORE :

waxaa loo kala qaybiyaa ilaa 5 qaybood .

hadaan sii dhex galno qaybinta dhiiga yimaada xiliga hore ee dhiiga:

1-  ABORTION (DHIIGA DILANLA ILMAHA).

      waa dhiig yimaada xiliga uurka 22 asbuuc oo hore waxuuna noqon kara mid iskiis u dilmay iyo mid ay hooyadu dishay oon diiniyan banaanay .

2-  ECTOPIC PREGNANCY  (ILMAHA OO KU ABUURMA MINKA KORKIISA) .

3- MOLAR PREGNANCY  (SAMAYSINKA ILMAHA OO WAX KA KHALDAMAAN).

4- CERVICITIS ( CAABUQ KU DHACA MINKA AFKIISA ).

5- FUNCTIONAL BLEEDING.

   MAXAA SABABA DHIIG BAXA KU YIMAADA  HOOYADA UURKA LEH :

1- jug ku dhacda hooyada xiliga ugu horeya ee ilmaha la abuuro

2- infection so laablaabta ama xanuunada qaar oo hoyadu qabto aysan is dareensaneen

3- ilmaha oo ku dilma dhowr jeer 

4-daawoyinka qaaar ay qaadato hoyada ayadoon dhakhtar la tashan.


      CALAAMADAHA LAGU GARTO DHIIG BAXA KU YIMAADA  HOOYADA UURKA LEH SADDEXDA BILOOD OO HORE:

1- dhiig bax ka yimaada hooyada 

2- xanuun wareega ah iyo nabar qabanaya hooyada 

3- afka ilmo galeenka oo furma mararka qaar waxna kaso taagma

4- uur ku jirta oo qaar banaanka uso baxa ama soo wada baxa. 


   DHIBAATOOYINKA KA DHALANKARA DHIIG BAXA KU YIMAADA HOOYADA UURKA LEH :

Hooyada dilanka ku dhacay waxaa ku yimaada ama so wajaha xaalado cafimaad taas oo ku xiran marba xaalada ay hooyadu ku jirto .

    a) dhiig yari ku yimaada hooyada 

    b) caabuq ku dhaca wareega oo so noqnoqda.

    c) in hooyadu jug maskaxiyana so gaarto shoog qaado waxayna yeelanaysaa hooyadu calaamadahan: wadna garaac, wareer, welwel, hurdo yari, buuq maskaxda ah. tabardari, cunto xumo . 

    d) inuu dhiig bax ku yimaado xiliga ay isbitaalka joogto.

    e) dhibaatoyin ka imaankara dhiig shubid hadii lagu sameeyo.

 

SIDEE LOOGA HOR TAGI KARAA DHIIG BAXA KU YIMAADA HOOYADA SADDEXDA BILOOD OO HORE:  


1- Jugta in laga ilaaliyo hooyada xiliga uurka waliba bilaha hore haday tahay hooyo ilmo ka dilmeen ama minka afkiisa laga gubay inay is ilaaliso bilaha hore ayna iska ilaaliso socodka, wax culus oo ay qaado, istaaga badan, iyo fadhiga badan

2-inay hooyadu markasta ay uur qaado ay booqato goobaha caafimaadka xaladeedana la socoto latalin caafimaadna ay sameesata .

3- waa inay iska ilaalisa daawoyinka ay qaadanayso haday tahay hooyo qabta xanuunada looyaqan ( chronic diseases) markastana la xiriirta dhakhtarka xanuunkeeda la socday iyo dhakhtar dumar oo takhakhuskiisa leh.


 GUNAANAD 

waxaan ku la talinayaa aabe kasta iyo  hooyo kasta oo uur leh inay ka fakaran bad qabka ilmahooda oo ay markasta talada dhakhtarka qaatan iskana ilaaliyaan caadooyinka somalidenu leedahay oo so jireenka ah kuwaas oo ayago isleh caafimad ku raadsada dhib u keeni kara waxana kula talinaya hoyo kasta markay uur isku aragto inay dhakhtar la taliye ah sameesato oo xaaladeeda la socda si ay u dhasho ilmo bad qaba ayaduna caafimaad u hesho.

          HOOYO CAAFIMAAD QABTA IYO AWLAAD CAAFIMAAD QABA. 

                                     INSHA ALLAH 

Post a Comment

1 Comments