XANUUNKA NIYAD-JABKA DHALMADA KA DIB ( POSTPARTUM DEPRESSION)
waa maxay niyad-jabka dhalmada ka dib (PPD)?
waa xaalad jiyad-jab oo dhalmada ka dib ku dhaca hooyada ku jirta waqtiga umusha waxayna dhacdaa labo ilaa saddex isbuuc ka dib dhalmada waxayna dhici karta ilaa hal sanoka dib markuu ilmahu dhasho
Dumarku waxay dareemaan murugo aad u daran, walaac, iyo
daal, kuwaas oo carqaladayn kara awoodda haweeneydu u leedahay inay daryeesho
nafteeda ama qoyskeeda.
inta badan lama yaqaan waxaa sababa mana jirto sabab keenta oo lawada ogyahay lakin waxaa keeni kara shucuurta hoyada xiliga dhalmada inay keeni karto isbadal ku yimaada hooyada taas oo laga filayey markii hore farxad inay isku badasho niyad jab iyo isbadalka ku imaanaya hoormoonadana hurdo la aanta isbadalka ku yimid qoyska.
hooyo kasta waxaa laso darsa markay dhasho walwal kaas waana calaamd hooyo kasta leedahay balse waa lagu kala duwanyahay hooyoyinka qaarba niyad jab ku keena ilmuhu taas ay aaminayso ama ay ka welwelayso inay kasi bixiweydo koriimadiisa daryeelkisa ama ilma wax ay ku korinlahayd oo aysan hayn taas oo sabab u noqonkarta inay ku noqoto xanuun, waxaa kalo sababi kara
- cabsi ay ka ay hooyadu ka qabto siday u korin lahayd
- hoormonada is badalaya taaso saamayn ku leh shaqada jirka iyo maskaxda
- baqdin ay ka qabto in bulshadu oraahyada oga imaan kara
- dhibaato ka haysta xaga gurigeeda ama ehelkeeda
WAA MAXAY CALAAMADAHA AY YEELANAYSO HOOYADU
Qaar ka mid ah calaamadaha niyad-jabka dhalmada ka dib ee ay
tahay in la eego waxaa ka mid ah dareenka murugada, oohin joogto ah, xiriir
la'aanta ilmahaaga iyo shakiga awoodda aad u leedahay inaad daryeesho naftaada
iyo ilmahaaga. madax xanuun , jir xanuun joogto ah welwel joogto ah cunto xumo ama cuntoda oo ay badsato, hurdo yari ama hurdada aad badsato.
YAA KHATAR UGU JIRA XANUUNKA NIYAD-JABKA DHALMADA KA DIB
- haweenka leh taariikh niyad jab
- xanuunada dhaxalka ah uleh faamilkooda
- ilmaha koowad hooyada leh
- haweenka soo food saartay dhibaatooyin xaga faamilka ah
- haweenka isticmaala maandooriyaha ama khamriga
MAXAA LAGU CAAWIN KARA QOFKA QABA XANUUNKA NIYAD-JABKA MAXU
SE SAMEN KARA HADU ISKU ARKO
Waa inuu qofku markasta guriga uu ka hela caawin iyo daryeel
joogto ah
In qofka lala sheekesto oo hadal lagu daweyo waqti la siiyo
ay ku hadasho dadka la sheekesato
In dhakhtar la geeyo daawoyin la siiyo caawayi.
In markasta xaaladeeda lala socdo
In uu seexdo qofku ugu yaraan 8 saac
Cunto caafimaad lehna uu cuno
Vitamiino waa inuu qaata qofku
N/B
Waxaa dhici karta hadan horey looga daaweyn xanuunkan in qofku naftiisa iyo ilmahaba uu khatar galiyo taas oo sabab u noqonkarta murugo joogta ahma ama quus uu nolasha uu ka gaaro.
Waa xanuu la daaweeyn
karo lagana bogsan karo hadii lala tacaalo ee isku day inaa iska ilaaliso
xanuunada khatarta kuu keeni kara.
1 Comments
🙏🙏🙏🔥
ReplyDelete