maanta waxaan ka hadlaynaa gaaska caloosha ku dhaca oo badanaa dadkeena somaliyeed aad u dhibay ama ay oga cowdaan anagoo raacayna qaababkiisa iyo siduu u yimaado waxyaalaha sababa.
waa maxay gaaska caloosha ( gastritis)
waa caabuq ku dhaca xuubka caloosha, caabuqaa oo kayimaada infection oo keenay inuu xuubka caloosha waxyeeleeyo badanaa waxaa keena markii joogto looqaato daawooyinka xanuun baabi iyaasha ah iyo qofkoo aad u caba khamriga wey keenta.
MEEQU U QAYBSAMAA GAASKA ( gastritis).
waxuu u qaybsamaa labo qaybood
1- mid soo boodo ah ( acute gastritis)
2- mid soo socday mudo ( chronic gastritis).
acute gastritis : waa mid so booday oo si dhaqso ah lagu arkay qofka.
chronic gastritis : waa mid mudo so jiray oo qofku la noola , gaaska caloosha waxuu keeni karaa boog ama nabar ku sameesma caloosha, waxuu kalo keena gansarka ku dhaca caloosha dadka qaar bu ku keena xanuunadaa, balse waa xanuun haduu ku qabto oo daawadiisa qaadato aad dareemaysid nafis ama kaa dagaya gaaskii kugu kacay.
MAXAA SABABA GAASKA CALOOSHA.
waxaa sababa caabuq kudhacay caloosha xuubabkeeda ama dhaawac gaaray xuubka ama xanuuno qofka ku dhacay oo daawooyin badan u uqaatay. waxaa kalo keena bacteria
1- helicobacter pylori : waa bacteeriyada u badan oo keenta gaaska caloosha .
2- NSAIDS daawooyinka la isku dhaho oo aan u naqaan xanuun baabi iyaak kuwaas oo ay aad u qaatan dadkeenu waa daawooyinka u badan oo keena gaaska caloosha.waliba labada daawo oo kala ah iboproven tab iyo naproxen sodium tab waa laba daawo oo qofku haduu qaato mudo u keeni karta gaaska caloosha sida ay dhakhaatiirtu isku raaceen.
3-da da qofka waxay ka qayb qaadata inuu xuubka calooshu daciifo kaaso keeni karta inay xanuunku dhaco.
4- alcoholka ama khamriga asna waxuu sababaa gaaska caloosha .
5- stress ( welwelka ku yimaada qofka )
6- xanuunada qaar ayaguna baa keena qofka inuu ku dhaco gaaska.
7- pernicius anemia ; waa vitamin b12 oo ku yaraada jirka kaas oo sababay factorkii ka qayb qaadan laha so nuugiga uu ka nuugayo cuntada oo yaraaday
CALAAMADA QOFKA LAGU ARKO
calaamadaha lagu arko qofka ama uu isku arkayo wey kala duwanyihiin qofba wax gooniya buu isku arki kara laakin waxaa jirta calaamado khaas u ah xanuunka gaaska caloosha .
1- matag marar qaar uu la socdo dhiig ama wax caffe u eg.
2- lalabo fara badan.
3- caloosho dibiraysa qofka.
4- calool xanuun
5- bog xanuun
6- asoo dareemaya cuntadii uu cunay oo wali calooshiisa ku jirta.
7-caloosho gubanaysa ama uu dareemayo hur jirka ah .
8- hingo badan.
9- abateed xumo.
10- saxatado oo dhiig la socdo ama madow.
BAARITAANADA LA SAMEEYO
1- blood test baaritaanka dhiiga oo la hubinayo dhiiga cas inuu yaryahay inay anemic jirto
2-fecal occult blood test oo lagu ogaano inay saxaradu dhiig la socoto iyo in kale ama wax calaamada oo cadaynaysa inuu jiro gaaska caloosha.
3- upper endoscopy : waa tuubo caamiro wadata oo loo dhaadhicinayo afka ila caloosha taas oo so sawirayo oo lagu ogaanayo inay calooshu caabuq leedahay iyo inkale ka dibna waxaa la sameya in laso jaro sample yar oo tissue oo ah caloosha xuubkeeda kaas oo shaybaarka loo dirayo la baarayo.
SIDEE LOO DAAWEEYA GAASKA CALOOSHA
daaweeynta gaaska caloosha waxy ku xirantahay ;
1- qofka oo qaata daawooyinka la dhaho ANTI ACIDS iyo daawooyinka kale ee gaas ka ku waas oo dajinaya ama yareenaya acid ka caloosha.
2- qofkoo iska ilaaliya waxyaala kulul ee bisbaaska leh .
3- haduu gaasku sababy bacteeriyada la dhaho h.pyloric waa in qofku dhakhtar u taga oo uu qaata daawada la dhaho ciribtirka h.pyloric iyo daawoyinka anti acids ah oo dajinaya acid ka caloosha .
4- haduu gaaska calooshu ay sababay dhiga pernicius anemia waa in uu qaata vitaminB12
5- waa in uu qofku ka fogaaada cuntooyinka kiciya acid ka caloosha aso ku dadaalaya inuu badsado cuntooyinka baalka leh iyo qudaarta calooshiisan socodsiiyo biyaha cad badsado.
W/Q: Dr.samira ahmed hussein gurey.
https://t.me/+kncIsLTny5A4YzA0
Qofkii su aal qaba ha igala so xariiro latalin caafimaad groupka ah telgramka.
0 Comments