Latest Article

6/recent/ticker-posts

dhibaatooyinka daawooyinka la isku cadeeyo


       

                                                       

 DHIBAATIIYINKA DAAWOOYINKA LAISKU CADEEYO

 maanta maqaalkeenu waxuu ku saabsanyahay daawooyinka la isku cadeeyo waxyaalaha ay ka sameesanyihiin dhibaatooyinka ay keenaan iyo waliba waxayaalo badan oo ka qarsoon oo aadan ogayn.

daawoyinka la isku cadeeyo maaha wax caafimaadka u roon ee waa wax halis u keeni kara naftaada oo keeni kara cancerka ku dhaca maqaar daawooyinku wey kala duwanyihiin waana kala khatar badan yihiin waxaana loo qaybiyaa dhowr nooc,

MEEQA AY U KALA BAXAAN DAAWOOYINKA LA ISKU CADEEYO

waxaa loo qaybiyaa daawooyinka la isku cadeeyo sadex qaybood:

1- waa daawooyin ka samaysan steriod  

2- ku iskugu jira antibiotic iyo steriod 

3- kuwo melanin jirka hoos u dhiga .

hadaanu si faahfaahsan oga hadalno daawooyinka steriod ka waa kuwa loogu talagalay in lagu daaweeyo xanuunada ku dhaca jirka waana daawooyin xili go an la qaato ama mocayin ah oo waqti yar la isticmaalayo ayagoon jirka oo dhan lamarinayn waxaana laga sameeyo steriod.

WAA MAXAY STERIOD?

steriod waa nooc kamida kiimikooyinka bani aadamku sameeyo waxaana looyaqaan hormonada  ( hormone) ama dheecaan kuwaas oo uu jirka bani aadamku si dabiici ah u sameesto. daawooyinka  steriod waxaa loogu talagalay inay u shaqeeyaan si loo yareeyo bararka waxaa kalo looyaqaan corticosteroids.

waxaa jira boomaatiyinka laga sameeyo oo lo isticmaalo xanuunada ku dhaca maqaarka in loo isticmaalo in la isku cadeeyo iyo kareemada oo laga sameeyo daawada oo waliba cadad badan ay kuso daraan shirkaduhu ayago ku qoraya inay cadaan saa ida ku siinayaan.

haday jirka ku badato daawada waxaa la joojiya hormoonkii laga so daynayay qanjirka kilida maada qofku kor ka qaatay hormoonkii taas oo ha dhow keeni karta qofku marku daawada waayo halmar ama dhaawacmo qaliin galayo  inay ku dhacdo xanuunkan loo yaqaan  (ADRENA CRISIS) oo qofku saa khatar naftiisu gasho.

2- waxaa jira ayaduna daawooyin ka wada sameesan antibiotics steriod kuwaaso loogu talagalay ayagana xanuunada ku dhaca maqaarka boomatooyinka qofka waxaa loogu talagalay in uu waqti yar qaato oo xanuunka lagu dawenayo balse haduu qofku joogto u qaato ayana waa khatar oo daawooyinka waxay la qabsanayaan jirka difaacana hoos bay u dhigayaan hadhow haduu qofka xanuunsado daawo antibiotics la siiyo waxaa lagayaaba in daawodii wax ka tari waydo taaso ay keentay daawadu qofku aadka u qaatay.

3- mida saddexaadna waa kuwa melanin ta jirka hoos u dhiga kuwaa kareemada laga sameeya warshaduhu waxay ku daraan kiimikoorin melaninta jirka hoos u dhigta maadoyinkaa waxaa ka mida mercury oo ah maado wadamada hormay laga mamnuucay taaso keenta cancerka maqaar.

DHIBAATOOYINKA AY KEENAAN DAAWOOYINKA LA ISKU CADEEYO.

1- maqaarka jirka oo khafiif noqda 

2- qofkoo xasaasiyad ka qaada waxuu is marinayay oo uu yeesho cuncun gadgaduud jeex jeex.

3- maqaarka oo midabkiisa kala duwanaada qofku uu yeesho meela madmadow.

4- difaaca jirka oo yaraada kaas oo keeni karta qofka inuu waxba u dulqaadan waayo jirkiisu qoraxdo oo kale oo marku qorax ku dhacdo jirku nabro yeesho ama dhaawa gaaro oo bogsoon waayo oo waqti qaadato bogsashadu.

5- daawooyinka la isku cadeeyo waxay kalo keenan in melaninta jirka ay yareeyaan taas oo keeni karto khatar khatar caafimaad oo uu jirku la kulmi karo waayo waxay badalaysaa unugyada jirka waxaana yaraana difaacii jirka kaas oo uu jirku isku dheelitiri waynayo sida kuleelka, qabowga, infectionka,

GUNAANAD

waxaa jira oo aydan ogayn waxa weeyey daawooyinkaan aad isticmaashaan kuli waa isku mid oo maadooyin isku mid ah bay ka koobanyihin.

mida labaad hadii aad isku dadho daawooyinkaa oo steriood ka ka sameesam oo aad ku dadho kareemo ogow waxaa hoos u dhacay waxtarkeedii waxayna isku badalysaa kiimiko oo dhib maahe aan waxtar yeelanayn.

waxaa jira kareemo la dhahayo waa herbal wax herbal ah ma jiraan kuli waa maadooyin dhib keena kaliya shirkada isku suuq geeya .

TALO

naftaada kaliya u nax oo wax dhib kugu ah ha sameen waa talo walaltinimo.

                         wabilaahi towfiif.

W/Q/  Dr samira ahmed hussein gurey.



Post a Comment

0 Comments