WAA MAXAY NAFAQADU JIRKA BANI'AADAMKU U BAAHANYAHAY?
waa cunto nafaqo leh oo u baahanyahay jirka bani'aadamka si uu u dhismo caafimaad ahaan jir ahaan iyo maxkas ahaam ba waxaana loo qaybiyaa labo qaybood waxayna kala yihiin macro-nutrients iyo micro-nutrients.
macro-nutrients
- carbohydrates
- protients
- fat
micro-nutrients
- vitamins
- minerals
fiitamiinadu waa dabiici ah oo u fiican jirka koriinkiisa iyo siduu u sameenayo hormarintiisa jir ahaan maskax ahaan waana muhiim in dadku qaatan oo jirkoodu helo khaas ahaan caruurta wa in laga taxadaraa si uu ilmo caafimaad qaba u dhasho, waana in xiliga ay hooyadu uurka leedahay ay bilowdaa fiitamiina ilaa uu ilmahu ka gaarayo xiliga qaan gaarka waxaana sii muhiimsan 5 sano oo ugu horeysa
MACRO-NUTRIENTS :
1- carbohydrate waxuu muhiim u yahay jirka suu enerji u helo waxaana laga helaa cuntada sida bariiska, baastada, burka .....IWM .
2- protiens : borotiinku waxuu asna ka qayb qaata enerjiga qofku ku shaqeeyo waxaana loo kala qaybiyaa kuwo muhiim ah iyo kuwo aan muhiim ahayn.
- kuwa muhiim ka waa u ah jirka waxaa qasab ah in uu qofku cuntada uu cunayo ay ku jiraan.
- borotiinka cuntooyinka laga helo oo uu ku badanyahay waxaa ka mida kuwo xoolaha ka yimaaada sida caanaha, hilibka, kaluunka, ukunta, iyo kuwo ka yimaada qudaarta , qamadiga , misirta ,.
MICRO-NUTRIENS:
1- minerals waa insaymo uu jirku u baahanyahay oo la rabo inuu jirku joogto u helo waxaana ka mida:
- calcuim
- phosphorus
- iron
- sodium
- potassium
- magnisium
- iodine
- zinc
2- vitamins: fiitamiinada uu jirku u baahanyahay oo la rabo inuu jirku joogto u helo ayaguna waa :
- vitamin A
- vitamin B1
- vitamin B2
- vitamin B6
- vitaminB12
- nicotinic acid
- folic acid
- vitamin C
- vitamin D
- vitamin E
xagee baa laga helaa fiitaminada?
waxaa laga helaa fiitamin A qudaarta kaarootada la isku dhaho kuwa jaalaha ah iyo kuwa cagaarka ahba waxaa kalo laga hela caanah hooyada iyo caanaha loda, ukunta.
MAXUU QABTAA FIITAMIN A?
vitamin A waxuu qabtaa :
- jirka buu qurxiyaa
- aragtida indhaha buu caawiyaa
- difaaca jirka buu xoojiyaa
- waxuu ka qayb qaata koriinka iyo hormarinta jirka
- waxuu kalo caawiya ayroonta fitamin D waxaa laga helaa beerka kaluunka, qoraxda. iyo caanaha
- fitamin E waxaa laga helaa saliida geedaha laga sameeyo, caleenta cagaaran, miraha loowska, iyo digirta
- fiitamin K waxaa laga helaa caleenta cagaaran iyo beerka.
- fiitaminB12 waxaa laga helaa xoolaha waxa ka yimaada sida hilibka, kaluunka. caanah, jiiska,
- folic acid waxaa laga helaa beerka, qudaarta cagaaran, miraha looska, jiiska, miraha lacuno , digirta noocyadeeda kala duwan.
- fiitamin C waxaa laga helaa miraaha lacuno waliba miraha liinta iyo qudaarta.
talo wacyi galin ah oo ku socota hooyoyinka
hooyo kasta waxay jecesjahay ilmo qurux bada oo cayilan kaliya waxaan fiirinaa jir ahaantiisa balse saas maaha ilmaha waa in laga dhisaa maskax ahaan iyo jir ahaan ba saa ilmo caafimaad qaba aad u hesho ku dadaal inaa ilmahaaga siiso cunta la hubo oo caafimaad leh .
markaan ku leeyahay cunto la hubo waa cunto aan warshad soo marin kaliya ku dadaal cunto aad adigu u karisay sida baradhada , kaarootada, tufaaxa, bataatiga, boorashka, liin macaanta. mooska, canbaha, qaraha, babayga, salarka, ukunta, koosta, digirta waliba tan misirta ah, ilamahaaga sadexda waqti hasiin wax katbohaydarayt kaliya ka sameesan ee u badbadal saliida macsar ta ama subag jiiska waligaa iska ilaali cuntooyinka warshadeesan xitaa caana boorahay hada awooodo ha siin caano boore ee caanaha xoolaha siiso adoo ka qandacinaya caanah si jeermisku oga dilmo ayagaa u dhaama oo ka caafimaad badan, cunugaaga ha iska barin sonkor intuu sanad ka gaarayo ka ilaali waxyaalah milixda leh iyo saliida .
W/Q Dr.samira ahmed hussein gurey.
0 Comments