maanta waxaanu ka hadli doona nafaqo darada ku dhacda caruurta taas oo ku badan wadankeena somaliya ayado waxyaalo kala duwan ay sababtay xaalada nafaqo dara.
WAA MAXAY NAFAQO DARO ( Malnutrition)
nafaqo daradu waa xaalad caafimaad xumo taas oo keeni karta in la waayo ama ay hoos u dhac ku yimaado waxyaalaha nafaqada jirka bani aadamka ubaahanyahay , nafaqo daradu waxay aad ugu badantahay dada u dhaxaysa 1-5 sano taas oo badanaa ay u dhintaan caruurtu ayago xaalad caafimaad xumo ugu biirto.
MAXAA KEENA NAFAQO DARADA ILMAHA KU DHACDA:
wax yaalo badan baa keena waxaana loo qaybiyaa labo qaybood:
QAYBTA KOWAAD (primary malnutrion)
1- ilmaha oon helin nuujin fiican.
2- ilmaha oo xiligii cuntada lagu bilaabilahaa oon lagu bilaabin.
3- saboolnimada.
4- hab dhaqanka bulshada.
5- ilmaha oon talaal helin ama xili hore caafimaadkiisa aan lala socon
6- ilmo isku nuug nuug ah
QAYBTA LABAAD ( secendary malnutrition)
1- infegshin ( ninfegshin ka ilmaha kuso laab laabta sida shubanka, jadeecada, xiiqdheerta, infegshin ka ku dhaca kaadi mareenka, gooryaanka
2- xanuunada ilmuhu ku dhashaan sida : wadnaha ilmaha ka jiran ama kilyaha xanuunada neerfha.
3- xanuunada ku dhaca mindhicirada.
4- maskaxiyan ilmaha u jiran
- 5- xanuunada ku dhaca dheecaamada jirka .
INTEE QATBOOD BUU U QAYB SAMAA NAFAQO DARADU:
waxaa loo kala qaybiyaa labo qaybood
1- MARASMUS :
- waxuu ku dhacaa ilmaha 2 sano ka yar , laakiin da kasta wuu ku dhici karaa.
- marasmus waxaa keena ilmaha oon helin cunto ku filan ama laga yareeyo waxuu qaadan lahaa, ama caanihii lasiin lahaa biyaha looga badiyo.
- waxaa kalo keena in ilmaha xiliga cuntada aan lagu bilaabin in loogu daro cana cunta nafaqo leh.
- ilmaha oo infection kuso laab laabto sida shubanka, jadeecada , tiibayda, xiiqdheerta,
- waxuu ku dhacaa ilmaha u dhaxeeya 1-5 laakiin da kasta wuu ku dhici karaa.
- ilamaahn waxuu yeelanayaa barar
- miisaanka oo hoos u dhaca
- koriinka ilmaha oo hoos u dhac ku yimaado murqaha oo baa ba 'a baruurtii jirka oo la waayo.
- wajiga oo duub duub ma dufanka camanka oo baaba 'a barida oo duub duub mata ilmaha.
- jirka iyo timaha oo is badala.
- ilmahan cunto qaadashadiisu waa fiicantahay waana feejiganyahay bararna maleh.
- kan waxuu leeyahay barar jirka oo dhan ah
- koriinka oo hoos u dhaca ilmaha asagoo barar leh buu hadana murqihii baaba ayaan.
- oohin badan iyo kacsanaan buu yeelanaya ilmuhu
- tabardaro saa ida buu yeelanayaa.
- difaaca inuu hoos u dhaco
- infection soo laablaabta
- xanuunada maqaarka ku dhaca
- dhiig yari
- fitamiinada jirka in yaradan
- IQ caqliga ilmaha inuu hoos u dhaco oo waxbarashada uu la qabsan waayo ama ku hooseeyo
- in xili hore laga daaweeyo ilmaha
- in la nuujiyo ilmaha naaska waliba lagu gaarsiiyo 2 sano
- caano booraha in aan lasiin ilmaha intuu ka gaarayo 4-6 bilood
- in cuntada ilmaha xili hore lagu bilaabo
- in la talaalo
- in laga hortago ama horey looga daaweyo xanuunada soo noqnoqda
- ilmaha inaa kula dadaasho inaa siiso naaska oo aad ka joojin intuu ka korayo
- in ilmaha xiliguu wax raadiska barto aad siiso cunto jilicsan ama shiidan oo nafaqo leh si nafaqo uu u helo ilmaha una koro hana siin buskudyada warshaduhu soo sameeyeen
- haduu ilmaha ka xanuunsado oo shubmo la tasho dhakhtar hadaadan aqoon sidaa ula tacaalayso markastana qaado talada dhakhtarka.
- iska jir waxyaalaha ilmaha waa u fiicanyihiin dadku dhahaan oo u keeni xanuun ama nafaqo daro.
- ubadi ilmaha intuu ka yaryahay 5 sano waxyaalaha borotiinka len iyo fitaamiinada sida baradhada, liin macaanta.canbaha.tufaaxa.bataatiga kaarootada, ukunta, kaluunka, digaaga waliba kan aan wadamada laga keenin,digirta cadasada ama misirta noocaydoonta ha ahaaten lowska, sabiibka waxyaalahaas iyo kuwo ka badanba waa wax ilmaha u fiican oo nafaqo uu ka helayo
0 Comments