Latest Article

6/recent/ticker-posts

xanuunka macaanka ama sonkorta ( diabetis mellitus)

 



WAA MAXAY XANUUNKA MACAANKA AMA SONKORTA?

xanuunka macaanka ama xanuunka sonkorta hadba say dadku u yaqaanan waxuu ka midyahay xanuunada joogtada ah oo qofku la noolaanayo inta uu noolyahay waana xanuun khatartiisu badantahay wadankeenana aad ugu so badanaya sanadahaan danbe . xanuunka macaanka waxuu yimaada markaay insuline ta jiirka ku yaraato ama aanba lasoodayn waxaana keena khalkhal ku yimaada pancrease ka laga so daynayo hormoonka insulinta oo ah beta cells taas oo keenaysa in sonkorta dhiiga lawaayo ama hoos u dhacdo taas oo sababi karta inuu qofku galo miyir dabool ama coma.

INTEE LOO QAYBIYAA XANUUNKA MACAANKA ?

waxaa loo qaybiyaa labo qaybo

1- nooc ku dhaca caruurta iyo dhalinta dada yar waxaana la dhahaa TYPE 1DM ama( insuline dependent) waxaana lagu daaweeya hormoonka insuline kaliya in lasiiyo.

2- nooca labaad waxuu ku dhacaa dadka waweyn ama ka 30+ waxaana looyaqaan TYPE2 DM

waxaa kalo jira labo nooc oo kale oo ah 

1- pre diabetes oo ah in qofka marka macaanka laga baaro llaga helo bilow sonkarow ah lkn aan gaarsiisnay booskii xanuunka macaanka.

2- gestational diabetes: oo ah in hooyada xiliga uurka lagu arko xanuunka macaanka oo dhiigeeda lagu arko sonkor taas oo sababi karta hadhow inay qaado xanuunka macaanka

MAXAA KEENA XANUUNKA MACAANKA ?

lama yaqaan wax keena oo ma jiro qof si saxa u garanaya balse waxaa lo sababeeya dhowr wax oo u fududeeya in qofku ku dhaco xanuunka macaanka.

1- inuu xanuunka qofka uu dhaxlo oo dhaxal ahaan ugu yimaado.

2- viral infection coxsackie's virus B4 waa nooc kamida viruska oo laga helay antibodies 

3- walwalka ama walaaca 

4- daawooyinka qaarkood 

5- cayilka ama qofka aan jimicsi samayn ama nasashoo joogta ku jira.

YAA KHATAR UGU JIRA  

1- dadka xanuunka dhiig karka qaba

2- dadka cholesterol qaba.

3- dadka wadna xanuunka qaba.

4- dadka dhaxalka u leh oo waalidkood qaba ama walalah waliba kuwa matanaha ah.

5- dadka cayilan iyo dadka aan jimicsiga aan sameyn

6- qofka ka weyn 45 sano

7- hooyada uurkeeda sonkorta laga helay.

8- dadka sigaarka caba

CALAAMADA XANUUNKA MACAANKA AMA SONKAROWGA.

waxuu leeyahay xanuunka macaanka calaamado khaas ah ama oo qofku isku arko waxaana ka mida

1-haraad fara badan

2- gaajo badan ama cunto badni in uu yeesho qofku

3- inuu caatoobo 

4- kaadi badan waliba habeenkii.

SIDEE LOO DAAWEYAA XANUUNKA MACAANKA 

xanuunkan maaha xanuun daawo leh balse waa xanuun uu qofku la noolaanayo kaliya waxuu leeyahay daawo lagu xakamaynayo in aysan sonkortu ku badan dhiiga .balse qofku waa inuu sameeya qodobadaan soo socda:

1- qofka qaba xanuunka macaanka waa inuu dhakhtar la xiriira oo markasta dhakhtar uu yesha ka warqaba .

2- waa inuu jimicsi sameeya maalin kasta oo uu socda.

3- cuntooyinka sonkorta leh waa inuu iska ilaaliya.

4- cuntooyinka carbohydretes ku badan waa inuu iska ilaaliya oo qudaar iyo cuntooyinka baalka leh badsadaa.

WAA MAXAY DHIBAATOOYINKA UU KEENO XANUUNKA MACAANKA AMA SONKORTA?

xanuunkan saan horey uso sheegnay waa xanun khatar ah waxuuna saameeya xubnaha jirka oo dhan hadaan la xakamayn oo qofku la saaxiibin lana socon markasta xaaladiisa waxuuna keena 

1- inuu kilyaha saameyo 

2- infection oo uu qofku u nuglaado

3-inuu saameyo araga 

4-inuu saameeyo wadnaha 

5- maskaxda neerfayaasha iyo inta badab habdhiska jirka oo dhan inuu tartiib tartiib u  gaaro. 


W/Q Dr.samira ahmed hussein gurey.




Post a Comment

0 Comments