Latest Article

6/recent/ticker-posts

dhibaatoyinka yimaada xiliga dhalmada ( complication during delivery)


                                     


 maanta waxaanu ka hadli doona dhibaatooyinka ku yimaada xiliga dhalmada ay ku jirto hooyada waxaa jira dhibaatooyin badan oo so gaara xiliga dhalmada taas oo loo kala qaybiyo mid hooyada so gaarta iyo mid ilmaha so gaarta.

WAA MAXAY DHIBAATADA HOOYADU LA KULANTO XILIGA DHALMADA?

  1. dhibaatada ugu badan oo ay la kulanto hooyada foolanaysaa waa in joogsato nabarkii foosha ama uu horey u socon waayo sidii la rabay taas ooy keento in nabarkii daciif noqdo, minka afkiisa oo sidii la rabay u furmi waaya, iyo ilmihii oo soo dagi waaya.
  2. in ay dilaacdo saxaxa taas oo ku timaada xiliga ilmuhu soo baxayo.
  3. biyaha oo dilaaca xili hore.
  4. dhiig bax ku yimaada hooyada.
  5. ilmaha wadna garaaciisa oo hoos u dhaca.
  6. ilmaha oo oxsijiintiisa oo hoos u dhacda.
  7. ilmaha oo garabka ka jaba ama uu kala baxo.
WAA MAXAY DHIBAATOOYINKA UGU BADAN OO KU YIMADA HOOYADA UURKA LEH?
  1. dhiig oo kor u kaca ama dhiigar
  2. xiliga uurka ay wado oo sonkor ku dhacdo.
  3. infection.
  4. kalamsiya 
  5. foosha xiligeedi ka hormarta
  6. isku buuq iyo welwel laso darsa hooyada uurka leh.
  7. ilmihii oo ka dhinta ama ka dilma.
  8.  lalabo iyo matag joogta ah oo sii socda 
  9. dhiig yari .
WAA MAXAY DHIBAATOOYINKA SO GAARA ILMAHA XILIGA DHALMADA?
dhibaatada dhalmada waa xaaladkasta oo khatar galin  kadha hooyada uurka leh ama dhalmada ku jirta taas oo saamayn karta hooyada ama ilmaha, dhibaatada ka timaada foosha ayaa saamaykadha dhaawaca so gaara hooyada xiliga dhalmada , waxaa jira dhibaatooyin xiliga dhalmada oo si fiicanloo yaqaanoo ku dhacay hooyada dhalaysa boqolkiiba qaar ka mida hooyoyinka uurka leh iyo heerar kala duwan oo ku yimaadan dhibaatiiyinkaa. waxaana ka mida:
  1. uterine rupture: waa minka oo qarxa waana xalada khatar badan oo ku timaada dhibaatoyinka dhalmada ilmaha iyo hooyadaba waa xalad yar balse khatarteedu badantahay waana xalad si kadis ah ku timaada waxayna sahlaysaa in biihii iyo ilmihiiba banaanka minka yimaadan, markuu qarxo minka waa in sida ugu dhaqsiyaha badan qaliin loogu sameeya 10-30 daqiiqo inta u dhaxay waayo waxaa joogsamaya ogsijiintii ilmu qaadanayay haday joogsato ogsijiintana waxaa imaanaysa in ilmaha dhawac ka gaaro maskaxda ama dhinto hooyadana ay dhimato.
  2. shoulder dystocia : waa xalad kale oo ayana si degdeg ah u dhacda, xiliga dhalmada markuu ilmahu soo galo marinka dhalmada baa garabkiisa waxaa qabsanaya lafta sinta taas oo keenaysa in ogsijiintii ku yaraato ilmaha taas oo sababi karta in ilmaha maskaxdiisa dhawac gaaro ama uu dhinto.
  3. umbilical cord prolapse: waa xalad degdeg ku timaada xiliga foosha ama dhalmada waa xudunta uu ilmuhu ka qaadanayay ogsijiinta hada kaso hormarto ilmaha waxaa cadaadis ku sameenaya madax kadibna waxaa joogsanaya ogsijiintii uu ilmaha qaadanayay waxaana khatar galaya nolasha ilmaha waana in si degdeg ah loo kala badbaadiya oo qaliin loogu sameya.
  4. choriamnionitis : waa waa infection ku dhaca hooyada xiliga uurka kaas oo u gudba biyihii ilmuhu ku dhex jiray ama xuub uu ilmuhu leeyahay, haduu infection kan gaaro xuubka ilmaha waxuu abaaraya si toosa ogsijiintii iyonafaqadii uu ilmuhu qaadanayay waxayna keenaysa in maskaxda ilmaha dhaawac gaaro uuna ku yimaado xanuunka la dhaho cerebral palsy ( curyaamin maskaxeed).
  5. fetal macrosomia: waa ilmaha oo weynaada ilmuhu hadu weynyahay si bad qabta uma dhalan karo waxaa so gaaraya dhawac taaso khatar galin karta naftiisa waayo waxaa ka yaraanaya ogsijiinta waxaana gaaraya dhaawac maskaxeed.
TALO
waayadan danbe waxaa nagu so badanaya hooyoyinka so gaarto dhibaatoyinka xiliga dhalmada waxaan kula talinayaa hooyo kasta oo dhalaysa in ay u tagto isbitaalka si ay u hesho wax qabad dagdag ah.

waxii su aal ah oo aad qabtaan comment iigu reeba .


BAD BAADI NAFTAADA IYO TAN ILMAHAAGA OO HA SABABSATN WAX LALA TACAALI KARO.

W/Q Dr.samira ahmed hussein gurey. 

Post a Comment

0 Comments