Latest Article

6/recent/ticker-posts

ilmaha caloosha ku dhex malma ( muconium aspiration syndrome)



maanta waxaan ka hadlaynaa ilmaha caloosha ku dhex malma ama ku dhex saxarooda calaamadaha lagu garto iyo dhibaatooyinka ay keeni karto haday dhacdo in malku ku darsamo biyaha ilmuhu ku dabaalanayay.

WAA MAXAY MAL?

malku waa dheecaanka ugu horeeya oo uu sameeyaan mindhicirada cunuga dhashay, waxuuna ka koobanyahay wax la dhaho epithalial cells, fetal hair , mucus ( wax sidii duuf oo kale ah), bile waa wax sidii biyaha oo kale ah  oo cagaar iyo kafee isku jira ah oo laga sosaaro beer ku taasha oo ka qayb qaadata dheefshiid ka.

markii uu ilmuhu minka dhexdiisa uu istarees galo waxaa dhacda in ilmuhu ku dhex malo ama saxaroodo minka dhexdiisa ka dibna biyihii uu ilmuhu ku dabaalanayay ay isku darsamaan. kadibna malkaas iyo biyaha isku darsamay in uu ilmuhu neefsasho ahaan u qaato intuu caloosha ku jiro ama xiliga foosha ama dhalmada.

haday dhacdo in ilmuhu qaato malka si neefsasho ahaan ah aso u qaata waxay keenaysaa inuu ilmuhu galo xaalda caabuq ah hadhowna u sababo in xaalad khatara oo sanbabada shaqadooda hoos u dhigta .

hadii lagu arko mal biyihii ilmuhu qaadanayay waa xaalad khatar ah waxayna ku tusaysaa in ilmuhu ku jiro dhibaato .

ilmaha caloosha ku dhaxmala oo qaatana waxay keenta in jirka xunbo badan oo ka mida uu dhaawaco taas oo keentay in oxsijiinkii ki yaraaday xiligii dhalmada ku jiray .

INTEE IN LA EG BAY DHACDAA XAALADAN?

 xaaladaan 8-20% wey ku dhacdaa hooyoyinka dhala badanaana waxay ku dhacdaa markay hooyadu xiligeeda dhaafto ama ilmuhu yaryahay  taas oo sababtay in intuu caloosha ku jiray ilmuhu oo uusan sidii la rabay u korin ama ibida oo wax ku filan ilmhu ka helin kadibna sababta in ilmuhu ogsijiintu ku yaraato, in ilmuhu ku dhex malo caloosha waxay dhacdaa xiliga 34 week ka dib balse ma badna taas.

50% ilmaha ku dhexmalaha caloosha waxaa lagu arkaa dhuutiisa qayba hawo mareenka hadii raajo la saarana sanbabadooda caadi maaha oo waxaa lagu arkaya malkii.

YAA KHATAR UGU JIRA:

  • hooyada waqtigeeda dhamaysatay
  • kalamsiyada hooyadu ku so boodo
  • hooyada dhiig karka qabta
  • hooyada sonkorta qabta
  • ilmaha wadna garaaciisu hooseyo 
  • ilmaha miisaanka yar ku dhasha
  • hooyada sigaarka cabta
  • hooyada xanuunada wadnaha qabta 
  • hooyada xanuunada jiigtada ah sababada ku dhaca qabta.
CALAAMADA LAGU ARKO ILMAHA :
calaamaduhu waxay ku xiranyihiin xaalada ogsijiin yarida ee uu ku jiray ilmuhu, xadiga uu la egyahay malka iyo adeeg inuu yahay  malka uu ilmuhu liqay .
  • hadii ilmuhu uu ku jiro xaalada sanbabada oo cadaadis ku jira ay yartahay hawo qaadashadiisa murqihiisuna ay dhacsanyihiin waxay ku tusinaysaa in ogsijiinta ku yarayd ilmaha taas oo sababtay malka galay.
  • hadu adagyahay malka uu cunugu qaatay waxaa lagu arkayaa in xaalda neefsashadu aad u hooseso xaaldas waa badantahay in ilmuhu dhinto ama uu ka kaco.
  • hadu wax weyn oo adag liqo waxaa lagu arkayaa hawo mareenkii oo xiran, baluug ilmihii oo noqda, feeraha oo hoos gala hawada uu qaadanay oo ku yar owgeed,
  • naqasha oo ku dhaga 
  • sanka oo taago suu hawo u helo
  • feeraha oo hoos gala 
  • ilmahoo baluug noqda.
MAXAA LAGU DAAWEYAA ?
marka hore waxaa fiican in ay hooyadu ku dhasho isbitaalka si xaaladeeda loo la socdo hadii ilmuhu xaalada galo waa in si dagdag ah loola tacaala dhaqtarka caruurta loogu yeera ama lo geeya.
  • waa in laga nadiifiya wasaqda agka ka gasgay intii la gaaro laga so saara si ogsijiin loo siiyo.
  • hadii ilmaha wadna garaaciisu ka hooseyo 100 , tone kiisuna hooseyo. hawo qaadashadiisuna hooseso wa in tuubo galisaa oo kaso nadiifisaa wasakhda gudaha gashay.
  • haduu inta ku fiicnado waa alxamdulilaah hadii kalane waa in dawoyin la siiya oo lala tacaala.
SAADAASHIISU WAA MAXAY ?
in dhibaatooyin kaso gaaro cunugu wey badantahay balse waxay ku xirantaya xadiga dhibka gaaray ilmaha  maskaxdiisa ( central nervous system).


W/Q Dr.samira ahmed hussein gurey.

Post a Comment

0 Comments