waxaanu maanta soo qaadanaynaa ogsijiinka ilmaha ku yaraata xiliga dhalmada iyo waxyaabaha ka imaan kara haduusan ilmuhu helin adeeg caafimaad oo degdeg ah,
saan wada ognahay waxyaalaha ugu badan oo hooyadu la kulanti xiliga dhalmada iyo dhibaatooyinka ka imaan kara waxaa qayb weyn ka qaata hooyada oon helin adeeg caafimaad oo dhamaystiran taas oo keenta in ay hooyada iyo dhalaanka dhalanayaba ay xag caafimaad ahaan wax u so gaaran.
WAA MAXAY BIRTH ASPHYXIA?
waxaa lagu qeexaa ogsajiinta oo la waayo taas oo sababaysa in ilmuhu neefsan waayo. ilmuhu xiliga caloosha uu ku jiro waxuu ogsajiinta ka qaata xididada ibida saa darteed waxaa ka yaraana ogsajiintii soo maraysay xididka oo ilmuhu ka neefsanayeykadibna waxaa yaraanaya dhiigii gaarayey xubnaha jirka ee muhiimka ah.
ogsijiinka oo ku yaraata ilmaha waa waxa ugu badan oo dhaca xiliga dhalmada taas oo sababta in ilmuhu dhinto ama ay so gaadho xanuuno kale oo halis ah.
MAXAA KEENA YAASE KHATAR UGU JIRA?
waxyaalaha keena waxaanu u kala saari doona sadex qaybood
1- HOOYADA:
- hooyada dhiikarka qabta ( waliba hadu ku so booday xanuun ka kalmasiyaha )
- hooyada miskaheedu aysan soo marikarin ilmuhu
- hooyada sonkorta qabta
- hooyada barasharkeedu dhaco
- infectionka kilyaha
- infection xiliga dhalmada oo hooyada qandho lagu ark
- tetanada ku dhacda minka
- hooyada ogsajiinteedu yartahay taas oo keenta wadna xanuunka iyo sababada xanuunada ku dhaca.
- ibida oo sosaar fiican lahayn taas oo keentay in ilmuhu waqtigiisi ka dib dhaco
- ibida oo minka afkiisa ku taal .
- inuu xuduntu soo dhacdo
- ilmaho si khalad ah u yaal
- ilmaha xiligiisii dhaafay
- infection
- ilmaha oo xanuunada ku dhaca maskaxda qaba
- ilmaha oo ka jiran wadnaha ama sanbabada.
- hooyada aadka u yar ama hooyada aadka u weyn
- ilmaha koowad ama hooyada dhashoyda ah.
- kalmasiyaha
- foosho dheeraata
- ilmaho xaaladiis khalkhal gasho
- malka oo dareera isku badala biyahay ku darsama
- inta ilmuhu dhalan oo la dhagaysto waxaa la arkaya wadna garaac ilmaha oo hoos u dhacay
- markuu dhasho waxaa lagu arkayaa midabkiisii oo hoos u dhaca, wadna garaaciisa oo hooseya , murqihii oo daciif ah on dhaqdhaqaaq lahayn, neefsashada oo yar ama neef qabatin aso ku jira iyo malkii oo lagu arko biyihii ilmuhu ku dabaalanayay afkiisa lagu arko.
- in maskaxdu ku yaraato ogsajiinta ka dib na uu ku dhaco xanuunka lo yaqaan (hypoxicischemic encephalopathy)
- kilyaha in dhib gaarooo ku dhaco ( acute tubular necrosis)
- sanbabada oo shaqadooda joojiya ama malkii uu galo sanbabada
- caloosha, wadnaha beerka kuli inuu dhib gaaro buu khatar u gali karaa ilmuhu.
- W/Q Dr. Samira Ahmed Hussein Gurey.
0 Comments