Latest Article

6/recent/ticker-posts

buro biyoodka ugxanta ( ovarian cyst)

 casharkeena maanta waxaan kuso qaadanaynaa buro biyoodka ugxansida ku dhacda taas oo kuso badanaysa waayadan danbe wadankeena .

WAA MAXAY BURO-BIYOODKA UGXANTA?

buro biyoodka ugxanta waa kiish yar oo biyo ka buuxan oo kaso baxa ugxanta, aad bayna u badan tahay balse inta badan ma keenaan wax calaamado ah,

badana buro biyoodka ugxanta  waxay u dhacdaa si dabiici ah waxayna so cota bilo ayadoon wax daawo ah u baahnayn.

sida caadiga dumarku waxay leeyihiin labo ugxamood uu ku kala yaal minka labadiisa dhinac bishii ba mar bay hal u kun so daysaa dhinaciiba, halkaa baa waxa ku sameesma kiish yar oo si dabiici ah u sameesma oon dhib lahayn ama dhibaatadiisu yartahay waxaana sababaya dowradii imaantinkeeda mar waxaa jirta uu khatar yahay waana marka uu dilaaco kiishka yarka ah.

CALAAMADAHA LAGU ARKO BURO BIYOODKA UGXANTA.

buro biyoodka sida caadiga maleh wax calaamad ah malaha balse haduu weynaado waxu sosaara calaamado waxaana ka mida:

  1. wareega oo xanuuna : xanuun marna qabanaya marna tagaya.
  2. culays ama cadaadis aad ka dareemayso caloosha.
  3. dibiro 
hadii ay qaraxdo buro-biyoodka qofka waxaa lagu arkaya :
  1. si dhaqso ah xanuun ugu so booday wareega 
  2. xanuun qandho iyo matag wata 
  3. qofkoo shoog gala.
  4. xanuun xiliga galmada 
  5. xanuun uu dareemo qofku xiliga caadada 
MAXAA KEENA BURO-BIYOODKA UGXANTA;
  1. khalkhal ku yimaada hormoonada dhalmada
  2. caabuq  ku dhaca minka
  3. caabuqa kudhaca wareega.
NOOCYADA BURO-BIYOODKA 
functional cyst  baa ugu caansan waxaana keenta dowrada ayada labo loo qaybiyaa 
  • follicular cyst waxaana la dhaha noocan burada ugxanta xirta waa ukuntii oo qaan gaartay oo aan laso dayn baa isku badalaysa buro biyood .
  • corpus luteum cysts ukunta markii laso daayo waxaa hara xuubkii ukuntu ku jirtay xuubka si caadiga waxaa lagu talagalay inuu baaba o haduu baabi i waayo waxaa galaya biyo halkaas bayna ku sameesmaysaa buro-biyoodka.
waxaa jira noocyo kale oo aan badneen oo ayaguna keena buro-biyoodka .

MAXAY DHIBAATO OO AY KEENTA BURO-BIYOODKA:
 waxaaa ka yimaada labo dhibaato oo kala ah 
  1. inay qaraxdo kiiskii 
  2. inuu isku duubmo
YAA KHATAR UGU JIRA 
  1. qofka hormoonadiisu cilad ka jirto
  2. infection ka minka ku dhaca 
  3. infection ka wareega oo u gudba  ugxanta 
  4. qofka horey looga daaweeyey buro-biyoodka 
MAXAA LAGU DAAWEEYA 
waxaa lagu daaweeya in hadu la qalo ama daawoyin uu qaato  qofku.

W/Q Dr.samira ahmed hussein gurey.

Post a Comment

0 Comments