Latest Article

6/recent/ticker-posts

curyaamin maskaxeed ( cerebral palsy)





curyaamin maskaxeed ama cerebral palsy waa xanuun caruurta ku dhaca oo waayadan danbana kuso badanaya wadankeena .

WAA MAXAY CURYAANKA MASKAXEED?
cerebral palsy waa labo erey oo isa saaran hadan somaliyeeno waxay noqonaysaa curyaamin maskaxeed cerebral oo maskaxdii ah iyo palsy oo ah daciif ama curyaamid.
curyaamin maskaxeed waa xanuun ku dhaca maskaxda taas oo sababaysa in uu awoodi waayo cunuga in uu dhaqaaqo ama uu dheeli tiro istaaga iyo dhaqdhaqaaqa.
curyaamin maskaxeed waxay sababaysaa in maskaxdu kori weydo ama dhaawac gaaro koriin keeda taas oo dhaawacaysa in ilmuhu awood u yeesho inuu kantaroolo dhaqdhaqaaqa murqaha.

MAXAA SABABA CURYAANKA  MASKAXEED?
  1. curyaanka maskaxda inta badan waxaa keenta dhibaato saamaysay koriinka maskaxda ilmuhu markuu uurka ku korayo kuwaa waxaa ka mida dhaawac so gaaraya qayb maskaxda ka mida loona yaqaano white matter lagana yaabo hoos u dhac ku yimaada dhiiga ama ogsijiinta  gaari lahayd maskaxda.
  2. gene mutation oo ah in gene uu is badalo kaas oo keeni kara gene in uu xanuun ku dhaco 
  3. infection qaar ka mida oo hooyada ku dhaca.
  4. dhiig in uu ilmaha ku furmo xiliga uurka ku jiro ama uu dhalanayo.
waxaa  kalo loo qaybiyaha waxyaalaha keena curyaanka maskax sadex qaybood oo kale ah 
1- mid so gaara xiliga uur ku jirta sida in:
  • dhiig bax uurka dhexdiisa ah ama infection 
2- xiliga dhalmada  ama kadib 
  • dhaawac so gaara ilmaha xiliga dhalmada
  • ilmaho ogsijiinta ku yaraato
  • sonkorta ilmaha oo hoos u dhacda
  • ilmaha oo ku dhaca xanuunka cagaarshowga oo khatarta noqda
3- ilmaha xanuun ku dhaca intuu yaryahay
  • maningitis 
  • infection ka ku dhaca maxkasda 
  • jug gaarta intuu yaryahay 
   
WA MAXAY CALAAMADAHA LAGU ARKAYO ILMAHA ?
xiliga u horeya waxaa lagu arkaa saddex calaamadood 
  1. koriinka ilamah xaga maskaxda oo daahda sida xiliga uu ilmuhu is rogi laha ama guurguuran laha socon lahaa istaagi lahaa  oo kaso daahda.
  2. murqihiisa oo daciif ah
  3. qaab is taagiisa oon sax ahayn.
INTEE QAYBOOD BAA LOO QAYBIYAA
waxaa loo kala qaybiyaa ilaa dhowr qaybood oo kala ah :
1- mid afarta adin saamaysaa  waxaana sabab badana ilmaha intuu dhalanayo uu ogsijiintu ka yaraato waxuuna leeyahay qalal iyo maskaxda koriinkeeda oo yaraada .








2- mid saddex adin saameeya .
3- mid lugaha kaliya saameeya



4- mid saamaynta lugaha ka badantahay saameenta gacmaha 
5- mid dhinac is xigta saameya.
6- mid hal adin saameeya.
waxaa jira calaamado la socda badanaa oo ilmaha lagu arko waana 
  • qalalka 
  • maskaxda koriinkeeda yaraado
  • dareenka iyo hadalka oo dhib gaaro( hadalka , araga , maqalka ba dhawac gaaraya).
MAXAA LAGU DAAWEEYA
waxaa lagu daaweeya :
1- in jimicsi loo sameeyo oo siduu isku meelmarin laha cunugu la baro.
2- in qalalka laga ilaaliyo daawoyinkiisa siduu dhaqtarku usii ku dhaho u siiso.
3- in labaro hadalka oo lala sheekesto oo la ciyaarsiiyo oo adimada loo jimciyo.

W/Q Dr.samira ahmed hussein gurey.

Post a Comment

0 Comments