Latest Article

6/recent/ticker-posts

TACADIYADA DUMARKA

tacadiyada ka dhanka ah dumarka waa kuwo soo taxanaa ilaa xili hore oo gabdhaha lagula kaci jiray balse waxuu sii batay ilaa xiligii burburkii 1991  tacadiga qaar waxuu salka ku hayaa dhaqan kaas oo u fududeesa qofka dumarka ah in tacadi loo geesto ayado loo arkayn in dhib loo gaysanayo balse tix galinaya dhaqan ay lahayd somalidu wax badan lagu qaribayo.
 
hada qoraalka waxaan oga hadli doona tacadiga xage kaso bilowdaa iyo ilaa intee buu socda oo lagu kala dhaxlaa iyo intuu u qayb samo tacadigu .

Tacadigu waxuu u qaybsamaa mid jir ahaaneed iyo mid maskaxeed iyo mid bulsho. waxaanu sharaxi doona tacadigaa intuu u qayb samo iyo meeluhu ka yimaado.
 
TACADIGA MASKAX AHAAN U DHACA :
tacadigaan badanaa waxuu ka dhacaa guryaha dadka ugu badan oo geysta waa waalidka waxuuna ku dhaca dumarka tusaale ahaaan gabadha badana waxaa loo la dhaqmaa in ay u nooshahay in ay shaqo un qabato oo aysan wiilasha ka daba hadlin waxaana loo adeegsanaa erayo maskax ahaan dilaya oo ay ka midtahay { naa wiilasha u shaqee dharka u dhaq, guriga uso hagaaji, iyo wiilkayga miyaa la hadlaysaa wiilkayga fiirinaysaa, nin baa u joogtaa, guriga adaa laguuso guursaday, naa naag xunaa tahay iyo ereyo kalo han jabin ah}

waxaa kalo oo gabdha tacadiga maskaxda u geysta guurka, kufsiga, waana tan ugu badan oo niyad jab iyo depression ku rida gabadha,

TACADIGA JIRKA AH :
waa qofka in jir dil loo gaysto kaas oo sababi kara in uu qofka naftiisa khatar galiyo badanaa waxuu dhacaa xiliga ay ilmuhu yaryahay oo hooyadii ka dhimato ama abbuhu ay kala tagaan oo ilmuhu aabbahii qaato, guur khasabka ah oo gabadhu yartahay , ama dhaqan ahaan gobolada uu dhaqankoodu u badanyahay garaacista dumarka ama qafaalasho oo khasab gabadh lala cararo lagu xirto guriga,

TACADIGA BULSHADA :
waa qofka  in uu ka amaan heli waayo bulshada uu la noolyahay oo ay faquuqan asagoo lagu faquuqayo baahi kaar ah oo uu qabo qofku sida in uu faruurantahay jiis yahay il la yahay ama uu ceeb leeyahay oo gbadhii la kufsaday oo ilmo qaado ama uur aan aabe lahayn ay qaado .

tacadiyada dhaca oo dhan waa dulmi, dulmigana Allah waxuu yiri ha is dulmina  
( إِنَّ اللَّهَ لَا يَظْلِمُ النَّاسَ شَيْئًا وَلَكِنَّ النَّاسَ أَنْفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ 
sido kale nabigeena muhamed salalahu calayhi wa salam waxuu yiri : adoomadaydow waxan ka xarimay naftayda dulmiga, dhexdiinana waxaan dhiga inaan idin ka xaarantimeeyo ee ha is dulmina .
ا عِبَادِي إنِّي حَرَّمْتُ الظُّلْمَ علَى نَفْسِي، وَجَعَلْتُهُ بيْنَكُمْ مُحَرَّمًا، فلا تَظَالَمُوا). waxuu kalo yiri nabigeena salalaahu calayhi wa salam : ka baqa dulmiga dulmigu waa kan ugu madow mugdiyada maalinta qiyaamaha 
(اتَّقُوا الظُّلْمَ، فإنَّ الظُّلْمَ ظُلُماتٌ يَومَ القِيامَةِ).

waxaan uso qaatay aayada iyo axaadiista wax kale maaha tacadiga ugu badan waxaa sabab u ah dulmi oon caadesanay oon dhib u arkay qof baa la dulminaya oo tacadi loo geesanaya bulshadeeni falkii waxaa lagula kacaya qof walba suu u arko ogow qayb baa ka tahay dulmiga qofka loogestay ee tacadiga lo gu la kacay.
dhamaanteen Allah hana hadeeyo oo hanoo danbi dhaafo kuwo tacadiga la dagaalama oo iska ilaaliyana allah hanaga dhigo .

W/Q/ Dr.samira ahmed hussein gurey.


Post a Comment

0 Comments