Latest Article

6/recent/ticker-posts

FAA IIDADA NAAS NUUJINTA

 




WAA MAXAY NAAS NUUJIN?
Naas nuujin:waa hooyada oo ilmaha siisa caana naaska ayadoo u siinaysa si toos ah oo naaska jaqsiinaysa ama intay listo ay masaasad ku siisa.
caanaha naaska waa nafaqo dhamays tiran oo ilmaha u baahanyahay xiliga ugu horeesa ee noloshiisa siiba 6 bilood oo u horeesa.
ALLAH kor ahaaye waxuu quraankiisa ku sheegay in hooyado ilmaheeda nuu jiso labada sano oo hore saa darteed waxaan xooga saaraynaa faa iidada uu ilmaha iyo hooyaduba ka helayaan naas nuujinta.

FAA IIDADA ILMAHA IYO HOOYADU KA HELAAN NAAS NUUJINTA:
15 faa iido baa lagu so kooba faa iidoyinka ay ka helaan waana 
  1. caanaha naaska waxay leeyihiin difaac, markuu ilmuha la siiyo caana naaska waxay ka helaan difaac kaas oo u noqonaya difaac jirkiisa ku jira intuu noolyahay.
  2. caana naaska waxuu qani ku yahay nafaqooyin badan oo uu ilmuhu u baahan yahay.
  3. caana naaska waxay leeyihiin immunoglopins IgG iyo IgA waxayna waxay difaac u yihiin oo ka hortagaaninfagshinka qaar ka mida sida E.coli oo caloosha ku dhacda shubanka, infegshinka caloosha ku dhaca, tetanada, booliyada,jadeecada, iyo fayrasyo kale .
  4. waxay kalo caanuhu leeyihiin Bifidus factoer kaas ka qayb qaata korinka lactobacillus waxayna caawiyaan inay hoos u dhigaan PH ka caloosha taas oo keenaysa inay joojiso in madhicirada ku koraan bagteeriyada .
  5. waqti walba waa diyaar waana caano markasta oo u baahato aad helaysid.
  6. waa caano fireesh ah .
  7. caanaha naaska waxaa ku jira fiitamiino sida vitamin c iyo vitamin E 
  8. caanaha naaska waxay ka hortagaan xasaasiyada sida sanboorka, neefta. xasaasiyada maqaarka.
  9. caanaha naaska hooyada ilmaha la nuujiyo si dhaqso ah buu u kora caanaha naaska waxay koriyaan garaadka ilmaha .
  10. caanaha naaska hooyada waxaa lagahelaa DOCOSAHEXAENOIC ACID (DHA
  11. 0 a polyusaturatedfatty acid  waxuuna caawiya koriinka maskaxda..
faa iidada hooyadu hesho
  1. nuujintu waxay ka hortagtaa cancerka naasaha iyo  cancerka ku dhaca ugxanta
  2. hooyadu markay nuujiso waxa la soo deenaya oxytocin taas oo caawinaysa in minku aruuro oo ku laabto booskiisii uu horey joogay yacni intuu la ekaa intaysan hooyadu uurka yeelan.
  3. nuujintu waxay gubtaa baruurtii kayd saneed 
  4. waxay nuujintu hoos u dhigtaa depression ka hooyada dhashay ku dhaca 
  5. nuujintu waxay ka qayb qaadata dhaqalaha oo caanuhu waa free.
YAN LA SIIN KARIN CAANAHA HOOYADA 
  1. ilmaha xanuunada qaar ka mida ku dhasha 
  2. ilmaha faruuran oo inuu nuugo dhibta ku ah ilmaha asaga waa loo lisaya .
HOOYADA AAN LOO OGOLAYN INAY NUUJISO
  1. hooyada xanuunada joogtada ah qabta sida kilyaha ka xanuunsan, wadnaha ka xanuunsan. cancerka hooyada qabta, hooyada nafaqo darada ah.
  2. hooyada maskaxiyan u xanuusatay oo aan awoodi karin inay quudiso ilmaha ama ayada lafteedu dhib inay gaarsiiso laga baqayo.
  3. hooyada daawooyinka qaar ka mida qaadata sida daawooyinka qalalka daawooyinka waxay ka gudbaan naaska waxayna dhib u keeni karaan ilmaha.

fiiro gaara :
hooyo kasta waxaa fiican inay ku dadaasho koriinka ilmaheeda oo ay nuujiso maalintii 8 jeer ugu yaraan waayo ayana faa iiday u leedahay ilmahu wey kala korayaan cunugana waxa uu helaya caafimaad jirka hooyada iyo ilmahuna waa is baranayaa.

W/Q Dr.Ssamira Ahmed Hussein Gurey.

Post a Comment

0 Comments