maanta waxaan ka hadli doona xanuunka autism ka oo aad ugu so badanayay bulshadeena somaaliyeen ayaamahan danbe si aan u ogaan waxa ilmaha uu gaar ugu baahanyahay iyo dadaalka waalidka looga baahanyahay.
WAA MAXAY AUTISM?
autism magaciisa loo yaqaan waa AUTISM SPECTRUM DISORDER (ASD) waaa koriinkii maskaxda oo naafo noqota taas oo keenaysa in ay dhibaato ku timaado xiriirka bulshada, iyo is dhexgalka ama dabeecado xadidan ama so noqnoqda ilmaha ooyessha sidoo kale waxaa ka daaha waxbarasha dhaqdhaqaaqa, ciyaarta ,feejignaanta ilmaha uu muujiyo.
AUTISM KU MA XANUUNBA?
autism waa neerfe ahaan iyo koriin ahaan oo naafowda taas oo qofka ku keenaysa in uu dhumiya xiriirkii u dhaxeeyay dadka iyo qofka xanuunsan, waxbarista iyo dabeecada, sido kale autism ku waxuu ku dhici kara da kasta balse waxuu u badanyahay ilmaha ka yar 5 sano.
SIDEE BUU AUTISMKU U SAAMEEYA MASKAXDA ?
maskaxda ku dhaco autistic ga waxaa yaraada isku xirka loo yaqaan hypoconnectivity waxayna sabab u noqonaysa in ay daciifan isku xirkii qaybaha maskaxdu ka koobnayd.
MAXAA SABABA AUTISMKA ?
waxaa sabab autism ka sadex waxyaalood
- inuu dhaxal noqdo
- boilogy ahaan noqdo
- deegaanka wax ka yimid yahay
- waxyaalo badiya oo ay ka mid yihiin ( sigaarka, waalidka oo da dooda weyntahay, dhibaatooyinka ku yimaada hooyada xiliga ay uur ka leedahay)
- waxaa hoos u dhiga hooyada oo xiliga ay uurka leedahay qaadata daawada( folic acids tab) iyo vitaminada bad sata cunto isku dheeli tiran cunta.
- Ilmaha oo indhaha qarsada markii la eego.
- Asagoo aan ka fakcelinayn markii loogu yeero magaciisa da'da 9 bilood.
- Asagoo aan laga dheehan karin wajigiisa wax muujinaya faraxsanaan, murug, xanaaq iyo gaajo ama la yaabid ilaa iyo 9 bilood.
- Asagoo aan ciyaarin da'da 12 bilood.
- Asagoo bixinayn wax calaamad oo macsalaamayn ah da'da 12 bilood.
- Asagoo aan kula wadaageen waxuu jecelyahay da'da 15 bilood.
- Asagoo aan ku tilmaamayn waxuu xiisaynayo da'da 18 bilood .
- Asagoo aan kula wadaageen in wax loo gays tay da'da 24 bilood.
- Asagoo aan la wadaagin in uu rabo inuu la ciyaaro caruurta da'da 36 bilood.
- IN uusan matali karin macalinimo ama hogaamiye marka lagu guda jiro ciyaarta da'da 48 bilood.
- Ilmaha oo waxuu sameenyo haday ka xumaadan ka niyad jaba.
- Ereyada in uu aad ugu so celceliyo
- in uu ciyaaro ciyaar isku mid ah
- in uu meel kaliya awooda saaro.
- in uu ka xumaado wax yar is badalaan.
- waxuu yeesha xiiseen qayrul caadiya.
- ilmaha oo yeesha falcelin aan caadi ahayn.
- luuqada oo ka daahda.
- xiligii uu dhaqdhaqaaqayay oo uu ka daaho.
- inuu ka daaho xiligii uu waxbaranlahaa.
- ilmaha oo dabeecadiis kacsanaata , feejignaan la'aan
- ilmaha oo suuxdin ama qalal yeesha,
- cuntada oo uu aad u raadiyo iyo hurdada oo ku badata.
- calool fadhi oo uu yeesho ilmaha.
- welwel ama walaac , dareen baqdin badan ama baqdin la'aan ilmaha oo yeesha
- levelka kowaad ilmaha ah waxuu la kulmaa caqabad xaga bulshada dhexdeeda ah waxuu u baahanyahay caawimaad , waxayna la kulmaan caqabadahaan:
- inay wada sheekaysi la yeeshaan dadka.
- inay u jawaaban siday dadku ka filanayaan.
- inay xiiseeyan lasii sheekaysiga.
- levelkan waxuu u baahanyahay caawimaad dheeriya marki loo barbardhigo levelka kobaad. xataa hadii la caawiyo ilmaha waxaa ku adkaanaysa inuu sameeyo xiriir toos ah.
- inuu ku hadlo ereyo kali kali ah .
- inuu ka hadlo mawduucyo khaas ah.
- waxaa ku adkaata inuu fahmo ama isticmaalo xiriirka aan tooska ahayn.
- ilmaha leh autism ka level 3 waxuu u baahanyahay caawimaada u badan waxaa ku adkaata in uu isticmaalo ama fahmo xiriirka tooska ah iyo midka dadban ilmaha waxuu noqdaa :
- waxuu noqdaa mid diida ama yareeya isdhexgalka dadka .
- inay ku adkaato in uu ku biiro ilmaha ciyaaraya.
- waxuu yareeya xiiseenta saaxiibada.
- wey ku adagtahay inuu samaysto saaxiib.
- dabeecad ahaan in ilamaha loo tababarto.
- hadalka la baro oo xili hore lagu bilaabo in wax la baro .
0 Comments